Warsame Law wuxuu u heellan yahay bixinta adeegyo sharci oo taya sarreeya qiimahooduna la goyn karo iyo xalal wax ku ool ah oo loogu talagalay bulshada Soomaalida dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba iyo sidoo kale hay’adaha shisheeye ee danaynaya in ay ganacsi ka sameeyaan Soomaaliya. Adeegyadaan iyo xalalakaan waxaa soo hoos gelaya goobo kala duwan sida: talo bixinta xagga sharciga ah, adeegsiga qaababka kale ee xalinta khilaafaadka, dacwadaha maddaniga ah, dacwadaha maamulka, difaac dembiyada, xeerka qoyska, shirkadaha iyo gancasiga, kaabayaasha dhaqaalaha, canshuuraha, maalgelinta shisheeye, qaadashada shaqaalaha shisheeyae, sharci qorista, horumarinta hantida maguurtada ah, heshiisyada batroolka iyo wixii kale ee soo raaca. Dhammaan adeegyadan sharci waa in ay ku saleysnaadaan mabaadi’da laga dheehan karo qiyamka iyo hiigsiga Warsame Law.