Sharaax ku saabsan war saxaafdeedka ku taariikheysan 19/03/2020

Masaalixda Bulshada wey isku xirantahay Mas’uul kastana waxaa saaran, mas’uuliyad, tuus ah iyo mid dadban ,wasaaradda Caafimaadka waxaa ku waajibah sidii loo heli lahaa bulsho caafimaad qabta.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare wuxuu ka mid yahay mas’uuliinta sida dadban ay u saameyneyso arimaha caafimaadka .

Sidaas awgeed wuxuu soo saaray war-saxaafadadeed, ka kooban 12 qodob, gudoomiyuhu , wuxuu diiradda saaray si looga hortago covid-19 , asaga oo garwaaqsadey ahmiyadda gorsoorka iyo in ay adgtahay in la fasaxo dhamaan hey’adahada ka shaqeeya garsoosrka, ayuu war-saxaafdeeka ku tusmeeyey “ Hoos u dhigid dhammaan hawlaha shaqo ee garsoorka mudo laba todobaad ah”

Qodobadda war-saxaafadeedku waa sidan:-

Waxa aad hoos loogu dhigay dhammaan hawlaha shaqo ee garsoorka muddo laba todobaad ah oo ka bilaabanta21/03/2020.
Waxa lahakiyey dhageysiga dacwdaha Maxkamaddha kala duwan ee dalka muddo laba todobaad ah oo ka bilaabanta 21/03/2020.
Waxaa la hakiyey fulinta Xukunadda Maxkamadaha kazoo baxey muddo laba todobaad ah .
Waxaa la farayaa Garsoorayaasha in ay dib u dhigaan dhammaan dacwaddaha mudeysan inta u dhaxeysa 21/03/2020 iyo 05/04/2020.
Waxa la hakiyey qabashada dacwadaha cusub iyo rafcaanada laga qaatay xukunadda iyo go’aanadda Maxkamaddu horey ugaadheen Muddo laba todobaad ah .
Dhammaan rafcaanada wkhtigoodu dhacayo waxa la siin doonaa wakhti dheeraad ah oo ay kaga rafcaan qaadan karaan xukunadda iyo go’aanada
Waxa lahakiyey dhammaan kulamadda shirarka iyo tababarada muddo laba todobaad ah.
Saraakiisha iyo shaqaalaha garsoorka garsoorka waxa la farayaa in muddadaas ay ka shaqeeyaan soo saarista xukunnada ay horey u gaadheen iyo shaqooyinka kale ee aan keensanayn isu-imaatin tiro dad ah
Dadka muddadaas loo soo xidho tuhumada yaryar waxaa lagula tacaali doonaa saldhigyada boliiska iyada oo laraacayo hagista xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka .
Waxa la joojiyey booqashada dadweynaha ee xabsiyada dalka iyada oo xeer ilaaliyaha guud ee qaranak ka soo saari doono amar arintaas lagu dhaqan galinayo
Garsoorka dalka waxa la faraya in ay xogta ka qaataan wasaaradda Caafimaadka una hogaansamaan awaamiirta iyo talooyinka ay bixineyso wasaarada caafimaadku.
Go;aankani wuxuu dhaqan galayaa 21/03/2020 iyada oo si joojta ah dib u eegis loogu sameyn doono si waafaqsan hadba xaalada lagu jiro.

Hadii si qota dheer ugu fiirino innaga oo ka eegeynna danta Macaamiisha Qareennada aan u nahay waxaa noo soo ifbaxaaya hawlaha la qaban karo Muddada hoos u dhiga hawlaha garsoorka , qareenka Macmiilkiisa si hufan ugu shaqeya ,Hoostaan waxaan ku soo koobey hawlaha uu qaban karo qareenka daacadda u ah macmiilkiisa :

Ka shaqeynta muddeynta dhageysiyada dacwadaha iyo kuwa in la mudeeyo loo baahan yahay.
Ku dhufashada dhaqangalka xukunnada dhaqan galay.
Durid garsoore iyo gal ka wareejin.
Sameynta qoraalada dacwadaha, Rafcaannada iyo is-hortaagyada xukunada la fulinayo.
Dhammeystirka habraaca socodsiinta dacwadaha ka horreeyay go’aanka.
Dabagalka baaritaannada dembiyada.
Dabagalka cabashooyinka Xeer-Ilaaliyaha
U yeeridda dacwadaha furan.
Booqasho ama kormeer goobeed.
Dabagalka Rafcaannada furan.
Sameynta sugnaanta.
Codsi iyo soo saarid amaro soo qabasho.
Dabagalka warqadaha laga sugayay khabiirka iyo maamulka guud.
Dhammeystirka qoraallada sharciyada.
Diyaarinta hawlaha hordhaca ah ee dacwadaha cusub.
Joojin fulinta xukunnada.
Bixinta latalin sharci.
Sameynta Xayiraadaha.
Sameynta dhaxalkoob.
Dhammaan hawlaha ku xiran Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida ma saameynayo go’aankan.
Waxaan soo qoridoonnaa sida ay u fahmaan hawl wadeennada garsoorka hawlaha la qaban karo mudda hoos u dhigidda hawlaha garsooorka iyo sida ay ugu shaqeeyaan Qareennadu danaha Macaamiisheedo.

Qareena Anasa Shaafific

Scroll to Top

Prof. Issa Ahmed Warsame

Professor Issa Ahmed Warsame, the Managing Partner of Warsame Law, is an expert in providing various legal services.

Anas Shafie Abdirahman

An experienced Lawyer, in the legal field from 1983, former Member of Parliament, expert in providing various legal services.

Saida Mohamed Hashi

Saida Mohamed Hashi is a lawyer and human rights expert with 20+ years of experience in justice reform and governance in Somalia. She has served as a Commissioner at the Somali Anti-Corruption Commission and a Senior Legal Drafter at the Ministry of Justice, and remains active in civil society and legal practice.

Avv. Mohamud Sheikh Adam Abdulle

Mohamud Sheikh Adam Abdulle is an advocate at Warsame Law with experience in litigation, representing clients in civil and criminal cases. He has a strong background in legal practice and education, known for his disciplined approach and commitment to client service. He holds a Bachelor’s Degree in Sharia and Law from Mogadishu University and is fluent in Somali, Arabic, and English.

Avv. Adan Mohamud Hussein

Aadan Mohamud Hussein Liban is an advocate at Warsame Law with experience in litigation, representing clients in civil and criminal cases. He focuses on legal drafting, case management, and client representation, known for his practical approach and commitment to protecting clients’ rights. He holds an LLB, has ties to Mogadishu University, and is fluent in Somali and Arabic with working knowledge of English.

Said Abdishakur Ibrahim

Said Abdishakur Ibrahim is a paralegal at Warsame Law, supporting legal operations through document drafting, case preparation, and case management. He has experience as a legal assistant at a public notary office, with skills in documentation, verification, and client interaction. He holds a Bachelor’s degree in Civil Engineering, is pursuing postgraduate studies, and is fluent in Somali with working knowledge of English and Arabic.