
wareysi oo ay maanta VOA la yeelatay Guddoomiyaha Shirkadda Warsame Law Prof. Isse Axmed Warsame ayaa wuxuu ku saabsanaa isbadalka Sharciga bankiga dhexe ee soomaaliya oo xukuumada ay dooneyso in ay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya guddoomiye uga dhigto nin aan soomaali aheyn iyo waxa sharciga u degan wadanka iyo xeerka bankiga dhexe ee Soomaaliya uu ka qabo
Prof. Isse Ahmed Warsame ayaa wuxuu ka hadlay dhanka sharciga ee isbadalka Xukuumadda ay ku sameyneyso xeerka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya qodobkiisa No 130 faqradiisa A oo tilmaamaya in qof aan soomaali aheyn loo dhiibo Maamulka Bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Prof. Isse ayaa sheegay in uu hindise sharciyeedka uu soo saarayo Xukuumada Dalka ka dibna la horgeynaayo 2da gole ee kala ah aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Barlamaanka si ay u ansixiyeen sharcigaasi la soo saaray hadii uu suurto gal yahay ama ay u arkaan in uu dan u yahay horumarka Dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudanae Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxay soo saareen wax ka badalka Qod. 130 ee Xeerka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyagoo horgeeyay Golaha Shacabka.
Prof. Isse Ahmed Warsame ayaa tilmaamay in ay u baahantahay qiimeyn in ay ku sameyaan Guddiga Golaha shacabka hadii ay u arkaan in ay dan u tahay Shacabka horumarna u yahay wadanka ay ansixin karaan sharciga ay soo saareen Xukuumadda.
www,warsamelaw.so

Commenti recenti