Darajooyinka kala Duwan ee Maxakamdaha Dalka ee kala ah Maxkamadda Gobolka Banaadir Maxkamadda Racfaanka, Maxkamadda Sare ee Dalka iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa Fasax ku maqanaan doonaa muddo 20 maalmood.

Maxkamadaha Darajada kala Duwan ee Dalka iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa shaqadooda ah u adeegidda shacabka iyo xalinta khilaafaadka kala duwan ee bulshada iyagoo qaada dacwooyinka Madaniga iyo kuwa ciqaabta intaba.

Maxkamadaha Darajooyinka kala duwan ayaa maalmaha na soo aadani gali doona Fasax muddo 20 maalmood ah taasoo wax ka badal lagu sameyn doono dhismaha iyo qurxinta Maxkmadaha Darajooyinka kala Duwan ee dalka iyo dhamaan dhismaha guud ahaan ee Maxkamadda iyadoo shaqaalaha ka shaqeeya Maxkamaddana ay 20 maalmood iska nasan doonaan maadaama ay xili badan oo fasax leheyn Maxkamadda si hagar la’aaneed kaga shaqeynayeen.

 

www.warsamelaw.so